Xafiiska qarammdda midoobay u qaabilsan arrimaha
Siyaasadda soomaaliya
War saxaafadeed 0035/2008
Maalinta Xuquuqul Insaanka, ayuu Ergaygga Gaarka ah ee Qarammada Midoobay
ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay joojiyaan dhaqanka ku fadhiya waxa lagu
magacaabo ‘impunity’-denbi gal hadana iska soco.
MOGADISHU, Somalia, December 10, 2008/African Press Organization (APO)/ — Maanta waa sannad-guuradii lixdanaad (60-danaad) ee
markii la soo saaray Bayaankii Caalamiga ahaa ee Xuquuuqul Insaanka, waana bayaan
loo sameeyey in si dhab ah ay u aqoonsadaan Dawladaha iyo dhammaan shucuubto ka
jirta dunida xurmada uu leeyahay bani aadanku meel-walba ha joogee. Arrintaani waxay
udub dhexaad u tahay xaqa asaliga ah ee baniaadanku u leeyahay in uu helo xurmo iyo
cadaalad.
Xusuusta maalintaan weyn darteeda, dhammaan dunida waxaa ka dhacaya xaflado. In
kasta oo loo dabaaldegayo sannad-guuradii lixdanaad ee Bayaanka Caalamiga ah ee
Xuquuqul Insaanka, haddana dadka Soomaalyieed weli ma aysan helin xuquuqda ku cad
Bayaankaan sida ay u helayaan rag, haween iyo caruurba fara badan ee dunida jooga.
In kasta oo falka burcad badeednimada ah ee ka jira baddaha Soomaaliya uu soo jiitay
dareenka dunida, hadana arrintani waa in aysan daboolin ama qaranin xaqiiqdada dhabta
ah, taas oo ah in malaayiin Soomali ah ay ku nool yihiin gaajo iyo macluul oo ay usii
weheliso colaad iyo nabad gelyo la’aan. Wax-yeelooyin ay ka mid yihiin dil, cadaabids,
kufsi, weerar aan-kala soocid laheeyn ee loo geeysto dadka rayadka ah, handadaad iyo
cagajugleen aya si joogto ah uga dhaca dalka, waxna lagama qabto. Xuquuqada dadka
ay u leeyihiin helitaanka Cuntada, Biyaha, Tacliinta iyo Caafimaadka ayeey dadka
Soomaaliyeed si joogta ah ay u la’a yihiin- arrintan oo meelo ka mid ah dunidaan si caadi
ah looga helo. Malaayiin Soomaali ah ayaa qaxooti ah, qaarna waa la barakiciyey, qaar
kalena waxay u baahan yihiin kaalmo degdeg ah, tirada dadkaanina si joogta ah ayey u
kordheysay laga bilaabo sannadka 1991.
Kuwa naftooda halista u geliyey si ay kaalmo ugu fidiyaan dadka rayidka ah, islamarkaasina
u soo bandhigaan xad-gudubyada dadka loo geeysto ayaa toos loo ugaarsadaa
ayagoo la-afduubayo, lana jir-dilaayo ama la dilayo-ba. Dadkaani waa difaaciyaasha
Xuquuqul Insaanka, Shaqalaha Gargaarka, iyo Suxufiinta.
“Maanta oo ay tahay maalinta xuquuqul insaanka iyo Sannad Guurada Lixaad ee
Bayaanka Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, waxaan si gaar ah ugu baaqaya dadka
Soomaaliyeed in ay qaadaan talabooyinka lagu joojinaayo xadgudubyada iyo gaboodfalkuba,
lana dhameeyo arrinta ah denbi-gal haddana iska soco (impunity), ayuu Ergayga
Gaarka ah ee Qarammadda Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ahmedou Ould
Abdallah.
“Madaxda dhinacyada kala gedisan, iyo Kooxaha ku lugta lahaa arrimahani ilaa sannadka
1991 waa in ay mas’uuliyadda qaadaan lalana xisaabtama. Ciqaabidda kuwa ku xadgudba
xuquuqul insaanka iyo badbaadinta dadka jilicsan ama maatada ah, waa mas’uuliyad
Caalami ah.”
“Waxaan soo dhoweynayaa heshiiskii dhowaan dhex-maray Dawladda Federaalk Kumeel-
gaarka ah, Isbahaysiga Dib u Xureynta Soomaaliya iyo Wakiilo ka socday Bulshada
Rayidka ah, laguna dhisaayay Guddi Wadajir ah ee Qaabilsan Arrimaha Cadaaladda.
Baadigoobka habka wax looga qabanaayo Denbi-linimada- impunity waa in ay ka mid
ahaata Ajendaha ugu muhimsan arrimaha Soomaaliya. Denbi-linimadu- impunity waa
cadowga nabadda iyo dib u heshiisiinta, labadan arrimood (peace and reconciliation)
majiri-karaan cadaalad la’aanteed” ayuu yiri Ahmedou Oul Abdallah.
Waxii
SOURCE : Mission of UN in Somalia